WARGEYS aad ugu dhow dowladda Turkiga oo u gefay madax-banaanida Somalia

stanbul (Caasimada Online) – Wargeyska dowladda taageera dowladda Turkiga iyo xisbiga talada haya ee AKP ee Daily Sabax, ayaa baahiyey qormo uu ugu gafay madax-banaanida Soomaaliya, taasi oo uu ‘dal’ ugu tilmaaamay Somaliland.

Daily Sabax, oo uu leeyahay nin ay saaxiibo yihiin madaxweyne Erdogan, ayaa warbixin uu ka baahiyay Deeq agab caafimaad ah oo dowladda Turkigu ay gaarsiisay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ku tilmaamay mid ay dowladda Turkigu ay ugu deeqday dalka Somaliland.

Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa haddan helina aqoonsi caalami ah, iyada oo duniduna ula macaamisho sida maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Wargeyska ayaa ereyga ‘dal’ oo meel ka dhac ku ah in Maamul ka tirsan Soomaaliya loogu yeero, u adeegsaday xili uu soo xiganayey hadal uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ugu mahad-celinayay dowladda Turkiga deeqda caafimaad ee ay gaarsiisay.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow saaxiibka ula ah dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka taageera dhinaca dhaqaalaha iyo Ciidamada, iyaga oo xulafeysi gaar ahna leh.

Ma cada sababta ka dambeysa gafka ka dhan ah madax-banaanida Jamhuuriyada ee uu ku kacay Wargeyska dowladda Turkigu, waxaane macquul ah inay tahay qalad u dhacay si aan ku talo-gal ahayn.

Deeqda uu Turkigu ka dajiyay Hargeysa ayaa ah agab caafimaad oo ka qeyb ah ka hortaga cudurka Coronavirus, iyada oo mid lamid ahna uu ka dejiyay saacado kadib magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa u muuqata mid iska tir-tireysa shaanbada ay reer Somaliland ku dhajiyeen ee ah inay u xagliso dowladda federaalka, iyada oo si adagna uga horyimid inay qeyb ka noqdaan wada-hadalada labadooda dhinac.

Mana jiro wax war ah oo ku saabsan gaf-kan uu ku kacay Wargeyska dowladda Turkigu oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu saaxiib dhow la ah dowladda Turkiga.