Puntland oo shaacisay kiiskii ugu horeeyey oo Covid-19 ah

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland ayaa caawa xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurka in laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in qofka laga helay cudurkaas uu ka mid ahaa laba qof oo dhawaan laga qaaday dheecaan si loo baaro, waxuuna sheegay guddoomiyaha guddiga oo warbaahinta kula hadlay Garowe in qofka laga helay xanuunkaas uu san gelin wax safar ah.

Sidoo kale guddoomiayaha guddiga ayaa sheegay in xaaladda bukaanka laga helay cudurkaas ay haatan aad u wanaagsantahay, waxaana xanuunkaas laga helin qofkii kale eel ala baaray.

Waa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah oo laga diiwaan geliyay deegaanada maamulka Puntland, waxuuna masuulka u hadlay guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee Puntland uu walaac ka muujiyey in qofka maanta laga helay cudurkan uusan ka bixin Puntland, sidaas darteedna ay cabdi badan ka qabaan in bulshada uu si tartiib ah ugu faafo COVID-19.

Illaa shan qof oo kale ayaa sidoo kale maanta loo karaantiilay shaki la xariira Coronavirus, sida uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha guddi Puntland u qabilsan arrimaha cudurkan.

Markii laga soo tago oo laga diiwaan geliyay kiisaska ugu badan ee cudurkaas waxaa kiisas kale horay looga diiwaan geliyay Somaliland iyo Jubbaland, waxaana maanta oo u dameysay deegaanada Somaliland laga soo weriyay hal kiis oo wadarta kiisaska Corona virus ee ka jira Somaliland ka dhigeysa lix kiis.