Aqri: Warqad Furran oo loo diray Madaxweynaha Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) Warqad ay soo qortay hey’adda ilaalinta xuquuqda warbaahinta oo ku socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay hey’adda in ay walwal ka qabto xaalada wariye dowladda Soomaaliya u xiran illaa 10-kii bishan January.

Wariyahan oo lagu magacaabo Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim ayaa la sheegay in wareestay haweeney sheegatay in la kufsaday.

Warqada waxa kaloo lagu sheegay in hey’addu walwal ka muujineyso hadal uu madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan ka sheegay magaalada Washington kaasoo ahaa  in maamulkiisa uusan u dul qaadanaynin warbaahinta wax dumineysa ee saxaafadda gudaha.

Warqada ayaa madaxweynaha loogu sheegay in la sii daayo Cabdi Casiis Koronto oo sida warqada lagu xusay u xiran booliska Soomaaliya, isagoo oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Warqada oo uu ku saxiixan yahay aggaasimaha guud ee hey’adda Jowl Simon sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya loogu baaqay in war fidiyeenada kalena loo oggolaado in si-xor ah isla markaana qota dheer ay wararkooda u tabiyaan.

Ugu dambeentii waxa madaxweynaha loogu yeeray in uu dabagalka ku sameeyo arrinta uu sheegay ee ah in uu abuuraayo maxkamad caddaalada horkeena cida dilalka u geesta warfidiyeenka Soomaaliya ku sugan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala