Warqad xasaasi ah: Wasiirada DF oo laga mamnuucay warbaahinta iyo baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  laga mamnuucay inay ka hadlaan idaacadaha, taleefishinada, iyo barasha bulshada sida facebook iyo twitter, ayaga oo aan fasax ka haysan xafiiska ra’iisul wasaaraha

Amarkan ayaa waxaa lagu caddeeyey warqad ku taariikheysan 26-ka August,2017, oo kasoo baxady ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya  Avv. Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) oo loo diray dhammaan wasiirada xukuumadda Soomaaliya, taasi oo Caasimada Online ay heshay.

Waxaa warqadda lagu sheegay in wasiir kasta oo doonaya inuu idaacad ama taleefishin ka hadlo ama uu qoraal siyaasadeed soo dhigo Facebook iyo Twitter, uu marka hore u baahan yahay inuu haysto ogolaansho.

Sida warqadda lagu sheegay wasiirada ayaa looga baahan yahay inay soo sheegaan mowduuca ay ka hadlayaan iyo warbaahinta ay kala hadlayaan.

Qoraalkan ayaa u muuqda mid jawaab u ah fadeexaddii dowladda ka raacday xasuuqii Bariire, oo dhowr hadal oo is khilaafsan ay wasiirada dowladda ka kala sheegeen.

Hoos ka aqri amarka cusub