Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 7-aad)

Awood qaybsiga

  1. Awoodda Fulinta (Executive Power)

Sida ay dhigayaan mabaadida culuunta siyaadda, mas’uuliyadda ilaalinta la xiriira hannaanka dawladnnimo waa mid dusha ka saaran Dawladda iyo ha’adaha hoos yimaada. Waa inay fuliyaan shuruucda uu baarlamaanku soo saaro iyagoo adeegsanayo hay’adaha iyo ciidammada qalabka sida. Dawladdu waxay awood u leedahay inay soo saarto dekretooyin sharci, kuwaasoo baarlamaanku u wakiishay inay soo saarto hadba baahida markaas jirta. Dawladdu waxay kaloo mas’uul ka tahay qeexidda iyo hoggaaminta siyaasaddeeda dibedda iyo ciidammada qalabka sida.

Haddaba, nidaamka dawladnnimo ee Soomaaliya  waa mid baraxsan oo aan waafaqsaneyn kuwa dunida ka jira. Waxaa dunida ka jira laba nidaam baarlamaanni oo kala ah: Presidential iyo Semi-Presidential. Nidaamka hore waa mid shacabku si toos ah u soo doortaan Madaxweynaha ayna  hoos tagayaan  awoodaha maamulka iyo fulinta oo dhan. Nidaamka “Semi-Presidential”, waa midka Madaxweynuhu ay soo doortaan xildhibaannada baarlamaanka, awoodda fulintuna waxay hoos tagaysa Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan magacaabista taliyeyaasha ciidammada qalabka sida. Nidaamka saddexaad waa midka Boqortooyada ah, kaasoo isagana u sii kala baxo dhowr nidaam oo kala halis badan. Haddaad dib u fiiriso hab dhaqanka dawladda Soomaaliyeed, waxaa kuu soo if baxaya in habka dalkeenu ku dhaqmayo uu ku salaysan yahay labadaas nidaam oo kala qeexan oo laysku barxay. Sababta keliya ee arrintaasi loo aaneen karo waa Dastuurka ku-meelgaarka ah.

Sida la ogsoon yahay, dawlad xumo waxay dhaantaa dawlad la’aan, hase yeeshee waxaa lama huraan ah in juhdi loo galo sidii dawladxumi kasta oo jirta loogu beddeli lahaa mid xalaal ah. Sidaa awgeed, waxaan ku ekaanayaa inaan ka xog warramo oo keliya habka lagu soo dhisay xubnaha kala geddisan ee dawladda iyo habdhaqankooda.

Xilligii burburka, Soomaali badan ayaa dalka ka haajiray iyagoo ujeeddadoodu ahayd inay naftooda badbaadiyaan, kuna fekerayay  inay dib ugu noqdaan dalkooda, waxaana aaminsanahay inaanay ka ahayn dal iyo dad-naceyb. Waxaan jeclahay inaan fikrad idinka siiyo dadkii ka soo haajiray dalka 27 sano kaddib, inta qaybood ay u kala baxeen iyo waxa ay ku sugan yihiin:

  • Dad uu u dhamaaday intii ay dunida ku lahaayeen oo geeriyooday. Waxaan Ilaah uga baryayaa naxariis iyo janno.
  • Kuwo wax bartay oo waxbarashada ka gaaray heer sare isla markaana nolol fiican ku jira.
  • Qoysas isku meel ku wada nool isla markaana ubadkooda si wanaagsan u barbaariyey.
  • Qoysas ku fadhilmay nolosha qurbaha oo kala tagay ama kala nool, sababo fool xun awgood oo aan halkan ku xusi karin. Waxaa marag ma-dooto ah qurbajoogta.
  • Kuwo ganacsi abuurtay.
  • Dad iyo ubad dhaqanguur ku dhacay oo qaarkood faraha kula jiro dembiyo foolxun ama xabsiyada ku nagaaday, waalidkoodana aan is sheegan.
  • Kuwo kaloo tiro badan oo aan halkan ku sheegi karin, sabab asluub awgood.
  • Kuwo u gacan galay una adeega dalal shisheeye, gaar ahaan kuwa nabad sugidda (Intelligence).

Dhowr sano oo mugdi ah kaddib, waxaa la go’aansaday in dalka iyo dadkaba la badbaadiyo, dibna loo soo nooleeyo qarannimadii iyo nidaamkii dawliga ahaa. Waxaa habbooneyd in hawlahaasi lagala tashadoo intii shaqooyinka kala duwan ee ha’adaha dawladda hore u soo qabatay burburka ka hor. Waxaa lagu dhiirraday in la inkiro intii aan fursad u helin inay dalka ka haajiraan oo ilaa hadda ku sugan dalka, gaar ahaan inta waxbarashada heer sare ka gaartay. Waxaan marqaati ka wada nahay inaanay taasi dhici, sababo kala kuwan awgood, mas’uuliyadeedana ay dusha ka saaran tahay ciddii markaa hoggaanka haysay. Bal dib u xusuusta, dawladihii soo maray Soomaaliya, waxaa  xilalka  muhiimka ah loo magacaabayaa dad aan hore xil dawladeed u soo qaban, dalka in muddo ah ka maqnaa ama dhashay kuna soo barbaayay xilligii uu burburku jiray. Ma dalka gudihiisa ayaa laga waayay dad xilalkaa loo dhiibo, anigoo aaminsan inay ka sharaf badnayd isla markaana u gudan lahaayeen si wadanninimo ku dheehan tahay, marka la barbar dhigo kuwa ku dhaartay dastuur shisheeyey. Waxaa hubaal ah in marnaba suuragal noqon karin inaad daacad u ahaato laba dal, marka laga soo tago dhibaatooyinka halista ah ee kaaga imaan karo labadaas jinsiyadood. Waa waxaan hore u dhicin haddana dhici doonin in adigoo Soomaali ah xil qaran ka qabato dal shisheeye.

Haddaba, waxaa nasiibdarro ah in waddanka hoggaankiisa gacanta loo geliyay dad badan oo ku sifoobay qaybaha kor ku cayiman ee “d” iyo “f”, dibna loo raacin taariikhdooda intii ay ku noolaayeen qurbaha. Mar haddaad oggolaatay inaad xil qaran qaaddo, waxaa kugu waajib ah inaad dalka iyo dadkaba u adeegto ee aanad ka adeegan.

Anigu, waxaan soo jeedinayaa in qabashada xil qaran aan lagu qiimayn oo keliya CV-ga shakhsiyadeed ee la waydiiyo xiriirka isaga iyo qyskiisa iyo halka ay ku dambeeyeen.

Marna suurtagal ma noqonayso in qof u maari waayay inuu qoyskiisa maamulo in laga dhursugo inuu maamulo qaran……..La soco qaybaha xiga Insha Allah.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal