Warqaddii maanta ma u eg tahay mid DF ay Axmed Madoobe ku marineyso waddadii Roobow?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inuu jiro baaritaan ay qeyb ka yihiin boolisika adduunka ee INTERPOL oo lagu hayo dadka ka ganacsada soo saarista iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha qaranka ayaa lagu yiri “Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.”

“Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.”

Waa markii ugu horreysay oo dowladda ay go’aan sidan u adag ka qaadato dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo sanado badan soo socotay, waxaana la is-weydiinayaa waxa hadda kusoo beegay.

Dad siyaasadda fallanqeeya oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in warqadda maanta soo baxday aysan ahayn mid iska soo dhacday, balse aysan ka marneyn siyaasad, iyo xiisadda u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe.

Shirkii fashilmay ee Garoowe, wuxuu meesha ka saaray rajo kasta oo laga qabay in labada dhinac heshiis gaaraan, waxaana Axmed Madoobe uu diiday in dowladda iyo beesha caalamkaba ay goobjoog ka noqdaan doorashada Jubaland, taasi oo xaqiijineysa inuu mar kale dib usoo laabto.

Markii uu fashilmay shirka Garoowe, sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo Caasimada Online la hadlay ayaa yiri “yaysan kula noqon in Axmed Madoobe si fudud doorasho ku qabto, dowladduna ka aamusto oo dusha ka eegato, dowladda wax walba oo ay awooddo lama hari doonto, haddii Axmed Madoobe xal diiday”

Hadalkaas oo markaas aan u qaadannay mid isaga eg hanjabaad oo aynan wax badan kasoo qaadin, ayaa kadib warqaddii maanta dib noogu soo maaxday.

Warqadda dowladda laguma magacaabin shaqsi, hase yeeshee cidna shaki ugam jiro in Kismaayo ay tahay halka ugu weyn ee dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo, sida warbixinada QM lagu sheegay, haddii dambi cid loogu qabanayo ma jiro qof ka horreeya Axmed Madoobe.

Dad fallanqeeya siyaasadda oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in warqadda xeer-ilaaliyaha qaranka ay horudhac u tahay waxa kasoo socda dowladda ee Axmed Madoobe ku wajahan.

“Waxaa ii muuqata in dowladda ay ku socoto waddadii Mukhtara Roobow, oo intuu uu musharaxa ahaa warqado dhowr ah lasoo saaray oo dambiile looga dhigay, warqadda maanta soo baxday waxaa xigi kara warqado toos Axmed Madoobe u magacaaba” ayuu yiri Cabdi Nuur Xuseen oo Muqdisho ku sugan.

“Maadaama dhuxusha ay mamnuucday QM, sida dowladda sheegtayna ay baarista dadka dhoofiya ku lug leeyihiin Interpol, waxay dowladda Axmed Madoobe ka dhigi kartaa dambiile caalami ah, oo aan dalka ka bixi karin. Ma dhahayo sidaas ayaa dhacaysa balse waxaa ii muuqda dagaal siyaasadeed cusub.” Ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale arrintaas qaba, xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin oo sheegay in warqaddan ay tahay farriin Axmed Madoobe loogu sheegayo inuu wada-hadal ogolaado inta aysan xaaladda meel xun gaarin.

“Uma malaynayo in dowladda ay Axmed Madoobe dagaal uga adkaan karto, balse dowladda xitaa haddaysan ka adkaan, wixii qalalase ee dhaca waxay u noqon karta afursad xil kororsi” ayuu yiri.

Inkasta oo dowladda ay Roobow u adeegsatay awood ciidan, ma cadda in sidaas oo kale ay Axmed Madoobe ku dayi karto, Inkasta oo ciidamo badan oo kuwa xoogga dalka ah oo Muqdisho laga maamulo ay joogaan Kismaayo iyo deegaanada Jubaland.

Ka sokow inay awooddo iyo in kale, dagaal kale oo la mid ah kii Baydhab, wuxuu dowladda si toos ah uga furi doonaa beesha caalamka, oo arrintii Baydhaba aad uga carrootay, sidaas darteed xeeladdan cusub waxaa macquul ah in beesha caalamka naftirkeed loogu talo-galay.

“Haddii xeer-ilaalinta qaranka iyo INTERPOL Axmed Madoobe la xiriiriyaan dhoofinta dhuxusha, beesha caalamka uma furnaan doonto waddo ay ku difaacaan Axmed Madoobe, marka waxaa muuqata in dowladdu sii hordhaceyso caalamka” ayuu yiri Cabdi Nuur Xuseen.

Si kastaba, si rasmi ah looma oga xaqiiqda warqadda maanta soo baxday, mana hubna in sida ay fallanqeeyayaasha siyaasadda wax u arkaan ay u dhacaan, balse waxaa xaqiiq ah inay su’aalo badan abuurtay, sidoo kalena Axmed Madoobe iyo dowladda ay kala joogaan meel aad u kala fog.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com