DF Somalia oo ka hadashay hadii ay shaqsi gaar ah la damacsan yihiin hogaanka Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Cabdi Faarax Juxa, wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay magaalada Cadaado ayaa si cad u sheegay inuusan jirin shaqsi dowladda Soomaaliya ay la dooneyso xilka madaxweynaha Galmudug.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay u tageen isaga iyo wafdiga la socdo sii ay u ogaan lahaayeen in doorashada Cadaado ay u dhaceyso si cadaalad ah oo musuq maasuq uusan ku jirin.

“Doorashada Galmudug waa arrin maamul goboleedku leeyahay, waxaan u nimid inaan goob joog ka ahaanno, marqaati ka ahaanno, waxaan idiin caddeynayaa in dowladda uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo iyo anigu wafdiga aan hoggaaminayo aysan cid gaar ah u wadan madaxweynaha Galmudug”

“Arrintaasi ay tahay mid u taalla dadka reer Galmudug, waa arrin idinka idiin taalla, waxaan rabnaa in doorashada si xaq ah u dhacdo, cidda kasoo baxdana mas’uuliyad weyn baa saaran” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay wadahadalkii kusoo dhamaaday is afgaran waaga ee u dhaxeeyay Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug, isagoo sheegay in loo baahan yahay madaxweynaha cusub inuu ka shaqeeyo arimaha wadahadalka.

“Cidda halkaan lagu doorto waa mas’uuliyad ay leedahay iney Dhuusamareeb keento, annagana garab iyo gaashaan baan u noqon doonnaa” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maanta waxay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku dooran doonaan madaxweynaha maamulkaasi, waxaana xilkaa ku tartami doona Saddex musharrax.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET