Kheyre oo mar kale looga digay faragalinta uu ku hayo howlaha wasaarada maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay soo baxayeen warar sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu la wareegay Miisaaniyadda DFS, ayaa waxaa arrintaasi digniin kasoo saaray Garyaqaanka Guud ee Dalka Dr Cismaan Cilmi Guuleed.

Garyaqaan Cismaan Cilmi Guuleed oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha uusan weli wax ka bedelin cabashadii ay u gudbiyeen maalmo ka hor.

Cismaan Cilmi Guuleed, ayaa sheegay in faragalinta uu Ra’isul wasaaraha ku hayo Miisaaniyada dalka ay halis galineyso Nidaamka iyo sharciyada u degsan Qaranka waxa uuna ka digay in Ra’isul wasaaraha dalka uu dhibaato u horseedo sharciga ay iminka xoojineyso DFS.

Cismaan Cilmi Guuleed, waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha Qaranka uu dib u qasay sharciyadii horay loo hagaajiyay waxa uuna tilmaamay in faragalinta ugu badan ay tahay mid uu ku hayo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Garyaqaanku in Ra’isul wasaaruhu yahay Mas’uulka la xisaabtamaya Wasiirka Maaliyadda balse aanu xaq u lahayn in uu fara geliyo howlaha Wasaaradda ka soconaya iyo Hanaanka ay u maareyneyso miisaaniyada dalka.

Sidoo kale, qoraal lagu soo dabacay barta Twitter-ka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa lagu sheegay in uusan jirin wax Khilaaf ah oo kala dhexeya Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre uu horay u ballan qaaday in Xukuumaddiisa ay la dagaalami doonto Musuqmaasuqa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET