Wasaaradda A/Gudaha oo u jawaabtay Qeybdiid

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo maalmihii u dambeeyay loo jeedinayay.

Eedeynta ayaa kaga timid Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno kale oo sheegay in xukuumada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha ay faragelin ku heysto gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaarada aysan wax faragelin  ku heynin gudiga farsamada maamulka loo sameynayo Galgaduud iyo Mudug.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaarada ay dooneyso in maamul ay dadka daneynayaan laga hirgiliyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay wasaarada in odayaal ay ka waday magaalada Muqdisho geysay magaalada Cadaado, kuwaasi oo dano gaar ah laga leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com