Wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka oo amartay in laga guuro xarunta Seybiyaano

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka Soomaaliya ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii wasaaradda ee ku taalla xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. 

Qoraalkan ayaa waxaa soo saaray agaasimaha wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey oo sheegay inuu amarka bixiyey wasiirka cusub ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed. 

“Anagoo ka duulayna amarka wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta kaas oo ah ilaalinta hantida qaranka, gaar ahaan hantida maguurtada ah ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee dhamaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir, ayaan waxaan faraynaa dhammaan dadka degan Xaruunta Wasaaradda Macdanta ee ku taal Seybiyaano inay sida ugu dhaqsaha badan uga guuraan xaruuntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda. 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in go’aankan loo qaatay si xarunta wasaaradda loogu isticmaalo dantii guud ee markii hore loo dhisay, iyo dib loo dhaqan galiyo. 

“Haddaba, dadwaynaha degan waxaan faraynaa inay sida ugu dhaqsaha badan uga guuraan xaruunta Wasaaradda Macdanta,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xilka la wareegay 10-kii August, waxaana weli caddeyn haddii sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda, uu amarkan isaga kasoo baxay. 

Si kastaba, go’aankan ayey adkaan doontaa in la dhaqan-geliyo, waxaana halkaas sanado badan degan boqolaal qoys oo ilmihii ay ku dhaleen ay ilmo sii dhaleen.