Wasiir Bayle oo rajo weyn ka muujiyey deyn cafinta dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu Aaladda Zoom-ka kula yeeshay madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u ahaa geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Kulankan ayaa waxaa ka horreeyey mid kale goobjoog ahaa Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh, kaas oo isna diiradda lagu saaray arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

“Goor dhaw waxaa inoo soo idlaaday Shir kale oo muhiim u ah geeddi-socodka deyn-cafinta Soomaaliya, maanta waxa aan si gaar ah ula shirnay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyadoo markale uu nagala soo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in Hay’ada Lacagta Adduunka IMF ay dhammaan ka cafiso dowlada Soomaaliya deymaha lagu leeyahay.

“Rajada Soomaaliya ee ah gaarista deyn-cafis dhameystiran ayaa hadda ah mid aaad u sarreysa” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey.

Dadaallada deyn cafinta oo muhiim u ah Soomaaliya, si ay horumar dhaqaale u sameyso iyo maal-gashi ayaa soo socday sanado badan, iyadoo haatan uu marayo meel wanaagsan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxaana jira dalal dhowr ah oo horay deymaha uga cafiyay dowladda dhexe.