25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Wasiir Cabdi Canshuur oo eedeeyay bulshada rayidka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tikonolojiyada Soomaaliya, Mudane Cabdi Canshuur Xasan ayaa eedeyn culus u jeediyey urrurada bulshada rayidka ah.

Wasiirka oo ka qeybgalay barnaamijka todobaadlaha ah ee Taleefashinka Qaranka ayaa sheegay in bulshada rayidka ah aysan kaalin fiican ka qaadanin ka qeybgalka siyaasadaha isgaarsiinta dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay ineysan ururadda bulshada rayidka ah wax dan ah ka lahayn ka qeybgalka qorshayaasha wasaaradda ee daryeelka xuquuqda macaamiisha.

Cabdi Canshuur Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada rayidka ah in ay u diyaar garoobaan la xisaabtanka wasaaradiisa.

Waxaa xusid mudan in bulshada rayidka ah ay leedahay xubin ka tirsan Guddiga Isgaarsiinta qaranka sida uu qabo xeerka isgaarsiinta Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News