Wasiir Cabdullaahi Abokor oo sheegay inay maxkamad ku kala baxayaan isaga iyo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa meel sare gaartay xiisada maalmihii dambe ka dhex aloosneyd Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cabdillaahi Abokor Cusmaan iyo Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Labada mas’uul ayaa eedeymo culus isku mariyey hawada, waxaana maanta warbaahinta la hadlay Wasiir Cabdillaahi Abookor oo sheegay in uu maxkamad la tiigsan doono guddoomiye Faysal oo ku eedeyay musuq-maasuq.

Wasiir Cabdillaahi Abokor ayaa sheegay in Faysal uu caqabad ku yahay geedi socodka Somaliland, isagoona ku tilmaamay “weel madhan oo sanqadh badan”, sida uu sheegay.

“Faysal waxa uu si guud hagar-daamo ama dib u dhac ku yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland, waxa uu maanta jooga sanadka 21-aad ee uu yahay guddoomiye xisbi, waana markii afaraad oo uu leeyahay waxa u sharaxanahay xil madaxweyne,” ayuu yiri.

“Nidaamkii iyo sunihii isbedel meesha ayuu ka saaraya, waxaa arkayaa in Faysal uu yahay weel madhan weelka madhana wuu shanqadh badan yahay. Faysal waxa uu dafiray qorshihii qaranka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Faysal ay isku hayaan nidaamka doorasho iyo hanaanka dowladnimo, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay musuq-maasuq uu ku eedeyay guddoomiye Faysal.

“Wuu yar yahay mas’uul uusan eedeyn Faysal, waxaa kamid ah madaxweynaha himika Muuse Biixi Cabdi oo uu gaaray illaa qoyskiisa, waxaa ayaan-daro ah oo maangaabnimo ah madaxweynaha caagad ayuu igu dhuftay oo Hooyaday ayuu caayay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay ku kala bixi doonaan Faysal laamaha garsoorka Somaliland, taasi oo noqoneysa markii u horeysay ee labo mas’uul ay isla tagaan hay’addaha garsoorka.