Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo u digay madaxda DOWLADDA + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga xukuumadda xil-gaarsiinta, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa markii u horeysay shaaciyay in ay dacwad badan oo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda uga timid ciidanka ilaalada nabad-galyada waddooyinka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ugu baaqay in ay ilaaliyaan shuruucda waddo marista, maadama ay tusaale u yihiin shacabka, isaga oo uga digay inay qaadan waxkasta oo ka dhan ah ama ka hor-imaanaya shuruucda.

“Mas’uuliyiinta dowladda waa in ay hagaajiyaan shuruucda waddo marista, madaxdu waa in ay tusaale shacabka u noqdaan oo aanay Gaadiidkooda ka gudbin marsho-biyeediga ama la maro dhinac aadan waddada ka lahayn,” ayuu yiri Wasiirka Cabdullaahi.

Sidoo kale waxa uu Wasiirku ugu baaqay Gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda inay ilaaliyaan nabad-galyada waddooyinka, xilliyada saxmadda ama cariigiga uu ka jirana aan loo baahneyn in ay waddada dhanka kale ka maraan ama marsho-biyeediga gaariga dul mariyaan.

Wasiirka ayaa ciidanka ilaalada nabad-galyada waddooyinku ku amaanay shaqada adag ay hayaan, taasi oo uu sheegay inay horseed u tahay dadaal uu geliyay Gen. Bishaar Abshir Geeddi Taliyaha Ciidanka Taraafikada.

Ugu dambeyntiina waxa usoo jeediyay in wax laga baddelo shuruucda ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalada nabad-galyada, kaasi oo ah mid duugooway oo la meel-mariyay lixdan sano ka hor.