Waxgaradka Warsheekh oo digniin culus ka bixiyay shirkado damacsan boob

Warshiikh (Caasimada Online)– Qeyla dhaan ayaa kasoo yeertay dadka shacabka ah ee degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii xubno ka tirsan Hirshabeelle oo wakiil ka ah shirkaddo ay tageen degmadaasi, iyagoo ujeedadoodu tahay inay sifo sharci daro ah kula wareegaan boosaska dad shacab ah leeyihiin oo ku yaala xeebta degmada iyo agagaaraheeda.

Caasimada Online oo ay lasoo xiriireen xubno deegaanka ah ayaa ka codsaday maamulka Hirshabeella uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe inuu wax ka qabto kooxo ay sheegeen inay yihiin dalaaliin doonaya inay barakiciyaan dadka deegaanka, waxayna muujiyeen welwel iyo cabsi ka dhalatay xaalado amni daro oo ay degmada ka abuureen kooxahaasi, iyagoo ugu digay inay ka waantoobaan falalkaasi.

Xuseen Raage Shiiraar iyo xubno kale oo xilal ka haaya baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan in ay la wareegaan dhul baaxadiisa ballaaran tahay oo xiriiriya ilaa deegaanka Cisaleey oo hoostaga degmada Warshiikh, halkaasi oo uu ku yaal garoon diyaaradeed macmal ah oo xiligaan aan shaqeyn.

Degmada Warshiikh oo sanadihii u danbeeyay fideysay isla markaana kusoo badanayeen dhismooyinka hoteelada dalxiiska iyo damaashaadka ayaa damac geliyay shirkaddo iyo shaqsiyaad aan deegaanka aheyn balse adeegsanaayo xubno deegaanka kasoo jeeda.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa degmada iyo deegaanada kale ee Warshiikh ka tirsan ka dhacay falal nabadgelyada iyo deganaanshaha wax u dhimayay oo ay abuurayeen shaqsiyaad aan deegaanka ka tirsaneyn balse dano kale oo gaar ah leh.

Degmada Warshiikh oo si gaar ah loogu tixgeliyo dadka degan inay yihiin culumo ahlu diin iyo in deegaanku loo Diin doonto ayaa lagu yaqaan inay tahay degmo nabadeed oo kulmisa Soomaalida diinka usoo doonta.