Wasiir Cawad oo ka hadlay sababta hortaagan soo celinta askarta ku maqan ERITREA

 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Eritrea, oo uu ku tegay booqashadii labaad ee kadib dib u doorashadiisa.

Madaxweynaha ayaa inta aan la dooran iyo markii la doortay kadibba ballan-qaaday inuu dib usoo celin doono kumanaan askar Soomaaliyeed ah oo dalkaas tababar u jooga, hase yeeshee booqashadii hore ee bishii July uu ku tegay Eritrea ma suurtogelin in laga dhabbeeyo ballan-qaadkaas.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo bilo gudahood ah laba goor safar ku tago Eritrea, maxaase hortagaan in la soo celiyo ciidankaas? Su’aalahaas ayaa waxaa ka jawaabay wasiirkii ee arrimaha aha dibedda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey BBC.

“Ciidamadu muddo tababar ay ku jireen, muddadii kalena waxay sugayeen in lasoo celiyo. Waa ayadii Soomaaliya ay martay doorasho, doorashadaas iyana waxay dib u dhigtay ciidankaas soo noqodkooda. Waxaa sidoo kale jiray colaad ka jirta dalka Itoobiya, oo Eritrea ay qeyb ka tahay, marka waxaas oo dhan oo la isku geeyey ayaa sabab u ah daahidda,” ayuu yiri Cawad.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay mas’uuliyad ka saaran tahay ciidamadaas, islamarkaana laba ama saddex mar ama ka badan hadduu isaga daba laabto Eritrea, ay ka mid tahay mas’uuliyaddiisa.

Cawad ayaa sidoo kale la weydiiyey haddii soo celin la’aanta ciidankaas ay lug ku leedahay xiriirkii saaxiibnimo ee ka dhaxeeyey Farmaajo, Afwerki iyo Abiy Ahmed.

“Adduunkan iyo madaxda qaarkood wax kasta waa ka suurtoobaan, waa suurtagal, balse waxaan u maleynayaa marka aan eego xiriirka dowladaha, ciidamadaas oo ah ciidamo Soomaaliyeed ma ahan mid la siyaasadeyn karo, oo madaxdeena kuwa hadda jooga iyo kuwa horeba ay intaas ka weyn yihiin, Eritrean-kuna aysan haysan karin ciidamo Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan warar sheegaya in Eritrean-ka ay doonayaan magdhow iyo lacag, balse uusan ka warhayn meel qandaraas lagula galay, oo aanu xaqiijin karin wararkaas.

“Waxaan u maleynayaa duruufo jira daraadeed ayaa mas’uul ka ah dib u dhacaas,” ayuu yiri.

Cawad ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha uu si la mid ah kii hore uu farxad iyo rajo gelin doono waalidiinta wiilashaas iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku rajo weyn ciidan xoogg leh oo ka qeyb-gala dagaaalka Al-Shabaab.