Duulimaad Emirates ah oo ku socday New York oo dib loo celiyey kadib digniin amni

Athens (Caasimada Online) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku socotay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa Khamiistii lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay “qof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.”

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in diyaaradda ay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.

Duulimaadka EK-210 ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo diyaaradda uu socday.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.
Warbaahinta Greece ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in “qof la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda.

Goor sii horreysay oo isla maanta ah, diyaarad kale oo ay leedahay Emirates oo ku socotay Dubai ayaa loo diiday inay ka kacdo garoonka Athens, waxaana dhammaan rakaabka la mariyey hubin dheeri ah sababo la xiriira walaacyo amni, hase yeeshee lagama helin wax laga shakiyo, sida ay uu sheegay il-wareedka boolis.

Duulimaadkaas ayaa ka kacay kadib shan saac oo dib u dhigis ah.
Afhayeen u hadlay shirkadda Emirates ayaa xaqiijiyey labada dhacdo.

“Emirates waxay xaqiijin kartaa in duulimaadka EK201 ee Athens illaa Dubai ee 10-ka November dib loo dhigay kahor inta aysan kicin,” ayuu afhayeenka ku yiri bayaan uu email ugu soo diray AFP.

“Duulimaadka EK209 ee Athens illaa Newark ee 10-ka November ayaa dib ugu laabtay Athens, sababo la xiriira hubin amni oo ay codsadeen mas’uuliyiinta,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxa uu intaas ku daray in rakaabkii saarnaa diyaaradda loo jaray ticket cusub oo Jimcaha maanta ah, islamarkaana la siiyey hotel ay seexdaan.

AFP, VOA