La-taliyaha XASAN SHEEKH oo u jawaabay CALI YARE

Muqdisho (Caasimada Online ) – La-taliyaha Sare ee arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay ka jawaabay doodii uu soo jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Axmed Xirsi ayaa si adag uga horyimid dooddii Cali Yare ee ku saabsaneyd in amniga Muqdisho la qabiileeyo, islamarkaana awoodda la siiiyo beesha Hawiye.

“Dowlada qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga caasimada iyo dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo-na majirto. Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey amniga caasimada/dalka,” ayuu yiri.

Axmed Xirsi oo doodda Cali Yare kaga jawaabay Qoraal dheer ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Ololaha cusub ee la doonaayo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikirka ah hubeynta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxay doonaayaan inay caqabadeeyaan dardar galinta la-dagaalanka cadowga iyo inay iska horkeenaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Bismillah-

Hadafka dowlada ee la dagaalanka Khawaarijta mar naba ma’ahan in (Qabaa’ilo) gaar ah la hubeeyo! Waan ka gudubney xiligii aan hubka isku qaadan jirney.

Dowlada Qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga Caasimada iyo Dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo na majirto.

Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey Amniga Caasimada/Dalka. Haatanna ay Lama-filaan waa ku noqotey guulaha mudada yar ey Dowlada Ku gaartey la dagaalanka argagixisada.

Waxay la fajaceen istiraajiyada cusub ee uu Madaxweynaha la yimid. Waxay fursad siyaasadeed ka dhex arkeen shacabka oo u nugul Amni.

Taas waxaa daliil u ah, ololaha cusub oo la doonaayo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikir ah hubeynta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxayna doonaayaan in ay caqabadeeyaan dardar galinta la dagaalanka cadowga iyo in ey Iska horkeenaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowlada.

Waxaan heysanaa fursad Qaali ah oo aan Dalka ku xoreyno, waana muqadis in aan ka fogaano waxkasta oo na kala qeybinaayo. Waxaa amaan gaar ah mudan Ciidanka Xooga Dalka iyo Macawsleyda Hiiraan.

Waa in aan ka wada shaqeynaa mideynta macawsleyda Soomaaliyeed si ay garab u siiyaan Ciidanka Xooga Dalka.

Fadlan- Hadey talo guracantoo, siyaasadii sibiqdey yaan Qabiil lagu owr kacsan.