Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay gobolka Hiiraan iyo wararkii ugu dambeeyay

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Burdaar ee galbeedka magaalada Beledweyne.

Waxaa lagu soo waramayaa in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Kumaandooska Gorgor ee ku sugan deegaanka Burdaar iyo xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday.

Sida ay warbaahinta u sheegen dadka deegaanka waxa uu socday dagaalka in ka badan laba saacadood, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo hantiyeed shacabka deegaanka soo gaaray.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka uu fashilayay weerarkaasi, kadib markii uu helay xogta qorshaha Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamadu ay dileen 12 kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu ka hortageen weerarkooda, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari oo kaliya, islamarkaana ay ku raad-joogaan xubnihii kale ee qeybta ka ahaa weerarkii ay Al-Shabaab kusoo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Weerarka saaka lagu eekeyay Saldhiga Ciidamada Gorgor ee deegaanka Burdaar ayaa imanaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu gaabis ku yimid howl-galkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday deegaanada gobolka Hiiraan, oo aheyd halkii u horeysay uu ka billowday kacdoonka ka dhanka argagixisada.