Dubbe oo shaaciyey arrin loo ogolyahay mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb-galayey barnaamij gaar ah looga hadlayey xaaladda dalka ayaa markale ku celiyey in weli halkiisii uu yahay go’aankii lagu mamnuucay isku imaatinada dadka, si loo xakameyo xanuunka Covid-19.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in aysan dadka isugu imaan karin hal goob, islamarkaana loo baahan yahay in la raaco talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta midowga musharraxiinta mucaaradka oo dibad-bax kale ka abaabulayo magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin wax isku imaatin ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in siyaasiyiinta ka aragtida duwan loo ogol-yahay iuu mid weliba tego xarumah TV-yada, kuna soo gudbin karo fikiradiisa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay bad-baadinta dadka Soomaaliyeed, xilli uu dalka ka jiro cudurka Covid-19.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo markale musharraxiinta mucaaradka ay ku baaqeen dibad-bax kale oo la qorsheynayo in Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho.