Qoraallada Villa Somalia oo uu isbeddel ka muuqdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isbedel lama filaan ah ka sameysay hab qoraaleedka ay usoo saarto war-murtiyeedka madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Villa Somalia ayaa shalay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook markii ugu horreysay ka reebtay inay ku sheegto Farmaajo ‘madaxweynaha dowlada federaalka’, marka loo eego qoraalladii horey uga soo bixi jiray.

Qoraalka shalay oo ay fariin ugu direysay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa shirka ku saabsan doorashada ugu yeerayey “madaxtooyada Soomaaliya,” halka qoraalkii hore ee isla kan oo kale ahaa oo soo baxay 17-kii Febraayo, uu u dhignaa inuu shirka ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka”.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka maanta sida sawirada hoose kaga muuqata.

Halka qoraalkii 17-kii Febraayo lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan: 1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.”

Ma cadda haddii arrintan ay ku timid si kam ah oo uu doortay qofka qoraalka sameeyey iyo inay tahay mid muujineysa in Farmaajo oo wajahaya cadaadis caalami ah uu aqbalay inuu muddo xileedkiisa dhammaaday. Hase yeeshee qoraallada xiga ayaa kala caddeyn doona.

Isku eeg labada qoraal