Wasiir Goodax oo amar adag dul dhigtay dugsiyada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay xeerka dhaqan-gelinta Manhajka Qaranka, dugsiyada sare ee dalka, kaas oo markii ugu horeesay tan iyo burburkii kadib ay ardayda dugsiyada sare looga dhigi doono.

Warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada dalka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay ku beegan 4-ta bisha Agoosto, ay khasab-tahay in dugsiyada sare ee dalka laga dhigo Manhajka Qaranka, isla markaana aysan dowladda Soomaaliya aqbali doonin Manhaj kale.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 4-ta bisha Agoosto waxay wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya u aqoonsatay buugaagta manhajka dugsiyada sare in uu yahay midka kaliya ee laga dhigi karo dugsiyada Sare ee dalka ” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda.

Horay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dalka uga hir-gelisay manaahijta laga dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka, iyadoo sanadkii dhawaana markii ugu horeysay qaaday imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee dalka.