Shaqsi noocee ah ayaa la filayaa inuu FARMAAJO u magacaabo ra’iisul wasaare

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu baarlamaanku xilka ka tuuray ra’iisal wasaarihii dalka, Xasan Cali Kheyre ayaa waxa bilaabatay hadal haynta ku aadan shaqsiga uu madaxweynuhu usoo magacaabi doono xilkaasi.

25-kii July ayey xildhibaanada baarlamaanku cod aqlabiyad ah kalsoonidii kagala laabteen Kheyre iyo xukuumadiisi, iyada oo isla markiiba uu ayiday go’aankaasi madaxweynaha dalku.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda uu magacaabo ra’iisal wasaaraha cusub, kaasi oo noqonaya midkii labaad ee uu magacaabo muddo xileedkiisa.

Haddaba, Ra’iisal wasaare nooceeya ayaa laga filaya inuu soo magacaabo Farmaajo?

Cabdullaahi Maxamed Shirwac, oo ka tirsan ururada bulshada Soomaaliyeed ayaa arrintaasi uga warbixiyey idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga, kaasi oo uu ku iftiimiyay shaqsiga xiligan ku haboon xilka ra’iisal wasaaraha ee laga filayo Farmaajo.

Cabdullaahi Shirwac ayaa sheegay in xilkaasi loo baahan yahay in loo magacaabo shaqsi inbadan la socda siyaasada dalka iyo arrimaha amniga, isla markaana leh karti hogaamineed.

Shirwac ayaa waxa kale oo uu sheegay in xilkaasi uu buuxin karo shaqsi aqoon leh oo isku wadi kara dhamaan saamileyda siyaasada, kuwaasi oo badanaa ku kala aragti duwan xiisadaha dalka iyo weliba bulshada qeybaheeda kala duwan.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in ra’iisal wasaaraha cusub uu noqdo mid jawi nabdoon dalka uga gudbin kara xaalada kala guurka iyo xiisadii uu xilka ku waayey ra’iisal wasaarihii ka horeeyay.

Shirwac ayaa ka digay in xilkaasi loo magacaabo shaqsi uu Farmaajo u meeriyo go’aamada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaaday, taasi oo ku tilmaamay nasiib darro aan xiligan loo baahneyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu soo magacaabo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka, taasi oo falanqeeyayaashu rumeysan-yihiin inay cadeyn u noqon doonto rabitaankiisa muddo kororsiga iyo inkale.