Xog: Kaalintii ay QATAR ku lahayd qorshihii lagu riday Ra’iisal Wasaare KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidii degdegga ahayd ee Golaha Shacabka u codka muranka ku jiray ugu qaaday xukuumaddii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, laguna riday iyo sidii aan la fileyn ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u ayiday go’aankaasi waxay su’aalo badan geliyeen qorshahaasi iyo sida loo abaabulay.

Ma ahayn wax qarsoon in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ka horjeeday muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka oo isbaheysi leh ay ka quusteen inay ogaadaan rabitaanka Ra’iisal wasaaraha iyo inuu yahay musharax u taagan xil Madaxweyne oo uu cabsi weyn ka qabeen Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa.

Waxaa tuhunka madaxtooyada ee damaca Ra’iisal wasaaraha sii xoojiyey xiriirka uu Kheyre la sameystay madaxda maamul Goboleedyada iyo guddoonka Aqalka sare iyo sida uu ugu gacan seyray qorshaha muddo kordhinta ee ay Madaxweyne Farmaajo la wadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xaalad adag ay soo dhex gashay Ra’iisal wasaraha iyo Madaxweynaha, waxaana kadib soo dhe galay Dowladda Qatar. Xasan Sheekh Maxamuud Cali Kheyre safar aan rasmi ahayn ku tegay dalka Qatar aakhirkii Bishii June, balse markii uu halkaasi gaaray, waxaa la yaab noqotay inuu isna tegay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo, ahna halka dowladda Qatar u marto arrimaha Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo kulamo xasaasi ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo saraakiisha dalka Qatar ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa u caddeeyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha, isla markaana aanu dooneynin in muddo kordhin loo sameeyo dowladda madaxweyne Farmaajo ama ku biiro xisbiga Madaxweyne Farmaajo, taasoo keentay inuu wadahadalka soo galo Fahad Yaasiin la iskuna dayo in heshiis laga gaaro arrintaasi, basle wadahadalkii fashilmay oo lagu kala tegay.

Kheyre oo saaxiib gaara la ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohamed Bin Abdirahman Al-thani ayaa rajo ka qabay in xiriirkaasi wax weyn u tari doono, balse waxaa dhacday in Madaxtooyada iyo Fahad Yaasiin ay maleegaan qorshaha kalsooni kala noqoshada xukuumadda, iyagoo taageero ka heysta Qatar si meesha looga saaro Kheyre.

Kheyre iyo taageerayaashiisa u dhow ayaa ka war helay Qorshaha mooshinka qarsoonaa ee xukuumadda loo diyaariyey Galabnimadii Jimcaha ee 24-ka July Mursal iyo Muudey, iyadoo saacado kadibna muddo 7 daqiiqo ah lagu riday xukuumadii Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo aan markii hore isku mashquulin inuu taageero ka raadsado ama heshiis la sameysto guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada cabsida ka qaba inay soo noqon waayaan ayaa la kulmay xaalad adag markii ay xukuumadiisa rideen xitaa wasiiradii xildhibaannada ka ahaa oo kaliya ay taageerada Kheyre ku soo hareen shan xubnood oo ka mida golaha wasiirada oo ay ku jiraan laba wasiir oo kaliya.

Dowladda Qatar ayaa si xoog leh ugu dhex jirta siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiirkooda Soomaaliya Xasan Xamza ayaa kulamo kala gaara Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha maamullada K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Xigasho: Goobjooge.net