29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Wasiir Jaamac oo shaaciyay marxaladda xigta xil ka tuurista Lafta-gareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Nuur Jaamac oo ka hadlay guusha siyaasadeed ee dowladda ka gaartay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si weyn usoo dhaweeyay in ciidamada xoogga la wareegeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wasiirka oo kamid ahaa mas’uuliyiintii safka hore uga jiray dagaalka Cabdicasiis Lafta-gareen, horena u shaaciyay in Isniinta la weerarayo Baydhabo ayaa sheegay in maanta reer Koonfur Galbeed iska siibeen “tiitiinkii caqabadda ku ahaa dhammaan arrimaha dowlad-dhiska iyo horumarka bulshada. ”

“Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo go’aan geesinimo leh ka qaatay in shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed laga dulqaado dulmigii iyo caddaalad darridii muddada dheer lagu hayay,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, wasiirka ayaa shaaciyay in wixii maanta ka dambeeya loo gudbayo dhismaha maamul dimoqraadi ah oo loo dhan yahay, taas oo ka dhigan in maamulka Koonfur Galbeed u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, oo ah hanaan uu si weyn ugu dhagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan shacabka ugu bushaareynayaa in aan cidna la dhibaateyn doonin; ciidan, siyaasi, shacab iyo ganacsade midna, aargoosina uusan jiri doonin. Halkii laga abuuri lahaa kala aargoosi, waxaan horseedi doonnaa midnimo, walaaltinimo, wadajir iyo isku duubni.”

Hoos ka aqriso qoraalka Wasiir Jaamac oo dhameystiran:

Bismillaah.

Marka ugu horreysa, waxaan u mahadcelinayaa Allah (SWT) oo nagu galladeystay nimcooyinkiisa, kana dhigay in maanta la gaaro guushan taariikhiga ah.

Waxaan sidoo kale mahad ballaaran u jeedinayaa madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo go’aan geesinimo leh ka qaatay in shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed laga dulqaado dulmigii iyo caddaalad darridii muddada dheer lagu hayay.

Mar kale, waxaan mahad gaar ah u haynaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo si geesinimo, naf-hurnimo iyo waddaniyad leh usoo afjaray khawaarijtii iyo kooxdii khawaarij-kalkaalka aheyd ee uu horjoogaha u ahaa Laftagareen; kuwaas oo muddo dheer dhib iyo cabsi ku hayay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa shacabka Koonfur Galbeed oo si dareen leh usoo dhaweeyey dowladdooda, maalin kastana ku taamayey in laga dulqaado dhibaatadii, dulmigii iyo caburintii lagu hayay.

Sidaan horay idiinku sheegay, maanta waxaan iska siibnay tiitiinkii naloo beeray ee caqabadda ku ahaa dhammaan arrimaha dowlad-dhiska iyo horumarka bulshada.

Wixii maanta ka dambeeya, waxaan u gudbaynaa dhismaha maamul dimoqraadi ah, loo dhan yahay, ku dhisan caddaalad, hufnaan iyo isla xisaabtan; maamul dhowra xuquuqda shacabka, dhiirrigeliya nabadda, hormariya adeegyada bulshada, fura fursadaha dhalinyarada, taageera ganacsiga, isla markaana ka fog dulmi, eex iyo musuqmaasuq.

Waxaan shacabka ugu bushaareynayaa in aan cidna la dhibaateyn doonin; ciidan, siyaasi, shacab iyo ganacsade midna, aargoosina uusan jiri doonin. Halkii laga abuuri lahaa kala aargoosi, waxaan horseedi doonnaa midnimo, walaaltinimo, wadajir iyo isku duubni.

Waxaan meesha ka saarnay nidaam dulmi waday, waxaana yimid nidaam cusub oo ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar.

- Advertisement -

Read more

Local News