Wasiir Jamaal oo beeniyey sida loo dhigay mashruuca dooda dhaliyey ee Talyaaniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa beeniyey in Soomaaliya aysan gudbin soo-jeedinta mashruuc Talyaaniga uu maal-gelin lahaa oo ku kacayey lix milyan oo dollar.

Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa dhowaan qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online, oo uu ku sheegay in lacagta oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah mamaulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca.

Warbixinta La República ayaa dhalisay in qaar ka mid ah shacabka ay eedeeyn u jeediyaan xukuumadda, halka qaarkoodna ay sheegeen in habacsanaantaas ay horseedday fatahaaddii dhowaan uu webiga Shabelle ka sameeyey magaalada Beledweyne.

Hase yeeshee wasiir Jamaal oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay soo jeedinta mashruuca.

“Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortagi fatahaadaha. Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto, wada-hadalkana weli waa socdaa. Lama ansixin, lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda.” Ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa.