Beesha caalamka oo DF u dirtay digniin culus oo ku aadan doorashada Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubnaha Beesha Caalamka u joogo Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saaray Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimadda Online u sheegay in beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay goobjoog oo kaliya ka noqoto doorashada ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in beesha caalamku ay balan qaaday inay bixin doonaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada maamulka Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa ka digtay in doorashada Galmudug ay noqoto mid lamid ah tii ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxay Dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in Doorashada Galmudug ay u dhacdo si cadaalad oo xalaal ah isla markaasna ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan musharixiinta.

Ugu Dambeyntii Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in  dhammaan musharixiinta Galmudug loo ogolaado inay aragtiidiisa u dhiibtaan si xor isla markaasna la joojiyo caburinta lagu hayo.

Digniinta Beesha Caalamka ee doorashada Galmudug ayaa kusoo aadeyso xilli Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay kursigaas u diyaarsatay Wasiir Qoor Qoor isla markaasna mar hore si hoose loo qortay Xildhibaanada Maamulkaas.

Xog Xasaasi ah oo ku saabsan kulan hordhac u ah midka Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo Xalay dhacay