Wasiir Juxa oo awoodiisa la dhimay iyo madaxtooyada maamulka PUNTLAND oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa la wareegtay qayb kamid ah shaqada arrimaha dimuqraadiyeynta ee wasaaradda arrimaha gudaha, gaar ahaan dhanka xiriirka iyo dhaqaalaha dibada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhawaan Wakiilada Beesha Caalamka ku wargeliyay arrintaan, isaga oo u sheegay in hadda kadib ay arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland kala xiriiraan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Arrimaha dimuqraadiyeynta ayaa waxa markii hore Beesha Caalamka kala shaqeyn jirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee maamulkaasi, ayaga oo xiriir toos ah la sameyn jiray Wasiir Juxa.

“Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha dimuqraadiyeynta ka taageera Puntland oo aqbalay amarka madaxweynen Deni ayaa la socodsiiyay Wasiir Juxa in hadda kadib ay howlaha dimuqraadiyeynta kala xiriiri doonaan Madaxtooyada Puntland,” ayuu yiri sarkaal si dhow ula socday arrintaan.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland ayaa dhawaan la arkayay isaga oo Madaxweyne Deni ku wehlinaya shirar uu Nairobi iyo Garoowe kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo looga hadlayay arrimaha dimuqraadiyeynta maamulkaasi.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn qorshaha uu madaxweynaha ka leeyahay arrintaan ayaa haddana waxa soo baxeysa inaysan ka madhneyn arrimo dhaqaale, maadama Beesha Caalamka ay taageero lacageed oo badan ku bixiso arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland.