Wasiir Juxa oo banaanka soo dhigay dhibaatada ay madaxda dalka kala kulmaan la kulanka beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya Cabdi Faarax Siciid ”Juxa”, ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka ay leedahay la kulanka wakiilada Beesha Caalamka ee xarumaha ku leh magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay inay nasiib daro tahay in Wakiilada Beesha Caalamka ay difaacyo ka dhigtaan Madaxda Soomaalida oo uu sheegay inay ku adag tahay la kulankooda.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa sheegay isaga qudhiisa inay ku adag tahay la kulanka xubnahaasi, wuxuuna ugu baaqay inay ka soo baxaan Xarunta Xalane oo ay gaaraan Gobolada dalka ee Nabadda ka jirto mashaariicdana ay ka fuliyaan.

Waxa uu cadeeyay in xiligii hore uu ahaa mid maqli jiray in Wakiilada Beesha Caalamka uu adag yahay la kulankooda, balse uu iminka kasii adkaaday, isla markaana uusan garankarin sababta keentay in la adkeeyo.

Juxa waxa uu tilmaamay inuu garan la’ yahay sababta ay ku joogan magaalada Muqdisho, marba haddii aysan fududeyneynin kulamada ay la qaadanayaan madaxda dowlada.

Wasiir Juxa wuxuu sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay gaarista meel kasta oo amni uu ka jiro si loo balaariyo mashaariicda kala duwan ee Gobolada dalka Somaliya laga fuliyo.

”Waxaa nasiib darro ah in Beesha Caalamka ay isku soo xiraan God la yiraahdo Xalane, haddii ay adkaato la kulankooda waxaa su’aashu tahay yaa u maqan dadkii ay mas’uuliyadooda qaaden”

Waxa uu sidoo kale tusaale usoo qaatay in xitaa Wasiirada qaar aysan gali karin Goobaha ay degan yihiin Beesha Caalamka waxa uuna ku baaqay in wax laga bedelo arrintaas.

Haddalka Wasiir Juxa ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Wasiiro dhowr ah laga diiday galitaanka Xarunta Xalane oo Saldhig u ah Beesha Caalamka, waxa ayna cabashada Wasiirka fadeexad u tahay dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com