Axmed Madoobe oo weerar ku qaaday wakiilada beesha caalamka ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa eedeyn kulul u jeediyay Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wakiilada ay caqabad muuqda ku yihiin horumarka Somalia, loona baahan yahay in leyska kaashado ka hortaga caqabadahaas.

Waxa uu tilmaamay in marnaba aysan ka raali aheyn Somalia oo ka gudubta halka ay iminka taagan tahay iyo inay kamid noqoto dalalka kaalmaha koowaad ka gala horumarka.

Waxa uu Madoobe sidoo kale Beesha Caalamka ku eedeeyay in aysan dhab ka aheyn wax u qabashadda Soomaaliya, isla markaana aysan aaminsaneyn dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay ka madax banaanaadaan Beesha Caalamka oo ay wax qabsadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Axmed Madoobe farta ku goday in Beesha Caalamka aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay is hortaag ku sameeyen sharciyo badan oo la qorsheeyay in lagu hormariyo dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com