Madaxweyne Xaaf oo maanta la balansan mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu-Sunna

Cadaado (Caasimadda Online) – Ilo ku dhow madaxweynaha Galmudug ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf lagu wado inuu maanta la kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu suna ee fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu maanta ku wajahan deegaanka Mareer-guur ee Gobalka Galgaduud Halkaasi oo uu kula kulmayo Madax ka socota Maamulka Ahlusuna.

Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Ahlusuna ayaa shirkooda waxay diirada ku saarayaan Xalinta Khilaafka ka Dhexeeya Labada dhican iyo sidii Ahlusuna ay uga mid noqon la haayeen Maamulka Galmudug Sida ay Xaqiijisay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale,war laga helayo magaalada Cadaado  ayaa sheegaya in Wafdiga Madaxweyne  Xaaf Maanta Gaari doonaan Si ay Ahlusuna uga wada hadlaan Mustaqbalka Gobalada Dhexe inkastoo Madaxtooyada ay ka gaabsatay inay Faah-faahin ka bixiso Cida uu Sida gaarka ah uu ula Kulmayo Madaxweyne Xaaf iyo Dhamaan Qodobada looga hadlayo Kulankaasi.

Dhanka kale Madaxda Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna oo aanu Xiriir la Sameynay waxa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Wararka Sheegaya kulanka dhexmaraya Galmudug iyo Ahalusuna.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay magacyada Wasiirada Cusub ee maamulkiisa,waxaana arintaan laga cabsi qabaa iney abuurto khilaaf hor leh oo soo kala dhexgala Ahlu suna iyo Maamulka Galmudug.