Xog: Cosoble oo si xeeladeysan loogu qanciyay inuu aqbalo xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimdda Online) – Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali C/llaahi Cosoble lagu qanciyay inuu aqbalo go’aanka xil ka qaadista loogu sameeyay ee ka soo kala baxay Dowladda iyo Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin caan ah oo Muqdisho kula kulmay Cali C/llaahi Cosoble ayaa u sheegay iney muhiim tahay mar haddii xildhibaanadii doortay hadana xilka ka qaadeen inuu Aqbalo,islamarkaana si nabad galyo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hirshabeelle uu u cadeeyo inuu aqbalay go’aanka xilka looga qaaday.

Ilo ku dhow madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa inoo sheegay in wali uu ku adkeysanayo inuu sharci daro yahay qaabka xilka looga qaaday balse sidii hore uu ka soo dabcay.

Sidoo kale,Cali C/llaahi Cosoble oo Mas’uuliyiin cadaan ah uu kula kulmay xarunta Xerada Xalane ayaa la sheegayaa iney kala hadleen khilaafka iminka taagan,islamarkaana u sheegeen inuu raali ka noqdo go’aanka laga gaaray,islamarkaana uu baneeyo booska si ixtiraam uu ku jiro.

Xildhibaano ka carooday hanaan shaqeedka Cosoble ayaa 14-kii bishan geeyay mooshin xilka looga qaadayo,isagoo markaasi madaxweynaha ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Qodobada loo cuksaday xilka ka qaadista ayaa waxaa ka mid ah.

Madaxweynaha  ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ka maqnaa xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar, hase yeeshee sababaha loo aaneynayo inuu xilkiisa ku waayay ayaa waxaa kamid ah magacaabis uu ku dhowaaqay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo uu ku sheegay inay yihiin degmooyin.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise ayaa ka mid ahayd xildhibaanada ka soo horjeeday qaabka uu u magacaabay degmooyinka iyadoo ka soo jeeda deegaanka Jawiil oo ka mid ah deegaanada aan la magacaabin.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo xilka laga qaaday ayaa waxaa dadka siyaasada Gobolka u dhuun daloola sheegeen in uu ka biyo diidsanaa in uu ku shaqeeyo magaalada Jowhar oo hore loogu heshiiyay in ay tahay xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo xilka ka qaadista soo dhaweeyay ayaa sheegay in mudo 30-cisho ay ku soo dooranayaan madaxweyne cusub oo bedel u noqda Cali C/llaahi Cosoble,waxaana la magacaabay Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

W/D: Yuusuf Maxamed Nuur
Nuur11@gmail.com