WASIIR JUXA oo fasiraad yaab leh ka bixiyay go’aankii kasoo baxay PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka hadlay go’aankii ay xalay shaacisay madaxtooyada maamulkaasi, ayaa sheegay in uu yahay mid lagu caddaynayo gorgortanka ay Puntland ka galayso qaddiyadaheeda dastuuriga ah.

Wasiir Juxa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan Puntland qaadan go’aan ay kaga go’ayso Soomaaliya inteeda kale.

“Soomaaliya annagu kama go’in, wanaageedana waan ka shaqeynaynaa. Laakiin waxaanu leenahay si waaqici ah dhalada jabta haloo ururiyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay loo baahan yahay ka hor inta aan dastuurka Soomaaliya la meel marin laga heshiiyo arrimo ay kamid yihiin qaddiyada Somaliland iyo meeqaamka caasimadda.

“Dowladda federaalka waxay u muuqata mid dadajineysa dastuurka dalka, ayada oo aan weli diirada la saarin arrimihii mudnaanta lahaa in laga heshiiyo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xalay ayay ahayd markii ay Puntland soo saartay war-saxaafadeed lagu sheegay “in Puntland si madax-banaan qaddiyadaheeda dastuuriga ah ugala xaajonayso dowladda Soomaaliya.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaasi oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland inay u dhaqmi karto sidii dowlad madax-banaan inta laga dhameystirayo dastuurka dalka.

“Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.”