Sarkaal sare iyo dagaal-yahano lagu dilay dagaal ka dhex-qarxay Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa, kadib markii uu dagaal toos ah halkaas ku dhex-maray laba garab oo ka tirsan kooxda.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdikariin Yuusuf Axmed oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey u soo noqday horjoogihii Al-Shabaab ee degmada Aadan-Yabaal iyo deegaanka Moqokori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay fiidkii lagu qaarijiyey deegaanka Buq-Aqable oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Xogtaan waxaa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, wuxuuna dilka ninkaan yimid kadib markii muran uu soo kala dhex-galay isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan kooxda, khilaafka ayaa ka dhashay dalab ku aadanaa in lasii daayo odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sarkaalka la dilay ee Ina Qoor Madoobe oo wata ugu yaraan 50 dagaalame oo ku heyb ah ayaa la sheegay inuu dalbaday in lasii daayo odayaasha, kadibna waxaa dhacay dagaal lagu dilay isaga iyo koox kale oo ka barbar dagaalameysay.

Warbaahinta Qaranka oo soo xiganeysa Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Al-Shabaab ee Buq-Aqable ayaa tebisay in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la dilay, kaas oo inta aan la dilin toogtay ilaa Afar dagaalame ah oo is hortaagay in uu la baxo odayaasha oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu dilay 4-kale oo ka mid ah maleeshiyaadka ku heybta ahaa Ina Qoor Madoobe, guud ahaan Shabaab-kii ku dhintay iska hor imaadkaas waxaa lagu sheegay 8-ruux oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaalkaas sare.

Weli deegaanka Buq-Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab-ka ku sugan halkaas. Rag ku heyb ah hoggaamiyihii la dilay ee C/kariin Yuusuf Axmed (Ina Qoor Madoobe) ayaa is uruursanaya, kuwaas oo doonaya inay xoog ku soo furtaan odayaasha xiran.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Al-Shabaab ku dagaalameen deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayadoo dagaalkaas ay Al-Shabaab isaga dileen tobaneeyo dagaalame.