Booliska oo soo bandhigay laba nin oo maanta si arxan darro dilal u geystay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxaa weli ka socda dilalka loo geysanayo dadka, iyadoo loo dilayo shilimaad aad u yar, ugu yaraan laba nin ayaa maanta lagu kala dilay degmooyinka Balcad iyo Xamarweyne.

Ninka lagu dilay Balcad wuxuu ahaa wade Mooto Bajaaj, halka kan lagu dilay Muqdisho uu ahaa ganacsade caan ka ahaa degmada lagu dilay ee Xamarweyne, waxaana warbahinta loo soo bandhigay raggii maanta geystay labadaas dil.

Balcad waxaa maanta ka dhacay banana-bax xoog leh oo dadka degmadaas ay uga dhiidhinayeen dilka loo geystay Bajaaj-laha, waxayna dadweyne careysan burburiyeen isbaaradii lagu dilay marxuumka.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ninka geystay dilka ka dhacay Balcad uusan ka tirsanaeyn ciidamada dowladda, balse uu ku lebisnaa dharka ciidanka, “Wuxuu isku deyey inuu baxsado, laakiin waxaa laga soo qabtay meel 20 KM u jirtay goobtii uu ninka ku dilay,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ninkaan oo doonayey in uu baxsado ayaa lagu soo xiray saldhigga Balcad, iyadoo isla maanta loo soo gubiyey Muqdisho, si loo hor geeyo cadaaladda.

Dilka labaad ayaa maanta duhurkii degmada Xamarweyne loogu geystay ganacsade lagu magacaabi jiray Abuukar Nuuraani, waxaana dilay askari ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka ee qaada canshuuraha, kaas oo isna loo soo bandhigay warbaahinta.

“Sida aan ku ogaanay baaris hordhac ah, askarigaan wuxuu ninkaas oo 60 sano jir ahaa u dilay lacag aad u yar, sidoo kale kan Balcad sidaas oo kale lacag aad u yar ayuu u dilay muwaadinkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale afhayeenka ayaa saxaafadda u sheegay in deg deg cadaaladda loo hor geyn doono ragaan ku eedeysan dembiyada culus, “Waxaan idiin xaqiijineynaa in ragaas aan heyno, ma jirto sabab ay cadaaladda uga baxsa doonaan ragaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo