25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wasiir Damul-Jadiid ah oo ku dhawaaqay cida qaadan doonta mas’uuliyadda wixi ka yimaada diidmada wasiirada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mahad Maxamed Salaad oo ahaa wasiiru dowlihii Madaxtooyada, haddana ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in dhibaatadii ka timaado ka hor imaadka wasiirada cusub ay qaadan doonaan golaha shacabka.

Qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hor imaaday wasiirada uu soo magacaabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana howshaas daba ka riixayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Haddaba Mahad Salaad wuxuu xusay in looga baahan yahay Baarlamaanka Soomaaliya ansixinta golaha wsiirada, isagoo ugu baaqay in fursad iyo waqti fiican la siiyo xukuumadda uu soo dhisay Xasan Cali Kheyre kadibna la qiimeeyo waxqabadkeeda.

Wuxuu tilmaamay in xilligaan aysan macquul aheyn in khilaaf iyo mooshin la bilaabo maadaama uu dalka marayo xaalad halis ah oo dad ay u dhimanayaan abaar iyo gaajo, wuxuuna si sharaf leh uga codsaday Baarlamaanka inay si deg deg ah u ansixiyaan.

xildhibaan Mahad Maxamed Salaad  ayaa yiri “Baarlamaanka waxaa ka codsanayaa inuu meel mariyo Xukuumaddan, oo uusan noqon mid diida, hadii ay taas dhacdo waxaa uu Baarlamanaka dusha saaranayaa fashilka ku yimaada dowladdaan”

Salaad ayaa tilmaamay inuu isaga kow ka yahay  Xildhibaanada ansixin doono golaha wasiirada, wuxuuna midaas ku tilmaamay inuu uga gol leeyahay in dalka uusan dib u dhac sameyn oo hore loo socdo.

Ugu dambeyntii wuxuu xildhibaanada ugu baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii xukuumadda loo dhaafin lahaa Baarlamaanka oo caqabad weyn ku noqoday maadaama uu dalka waqti u socdo shaqo badan ay hor taalay Xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News