Wasiir ka tirsan xukuumada Xamza oo is-casilay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay saq-dhexe ku dhawaaqay inuu  is-casilay, isaga oo go’aankiisa u gudbiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ahaa wasiiru-dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa ka tegay shaqada, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Caana-nuug oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u sababeeyay is-casilaadiisa inuu musuq-maasuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed ka jiro wasaaraddaas.

Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo sheegay in wasaaradda ay noqoto meel lagu dhibo muwaadinka.

“In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada” ayuu yiri Wasiir Caana-nuug

Wasiirka is-casilay ayaa sidoo kale qoraalkan toos ula wadaaday ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay ay soo taagneyd dhibaatadan.

“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu markale yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan shaqaale kala duwan oo lagga ceyriyay wasaaradda, kuwaas oo uu sheegay inay u soo gudbiyeen cabashooyinkooda.

“Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado sharci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada” ayuu qoraalkiisa is-casilaadda ku soo gabagabeeyay Wasiir Dowluhu.