Danjiraha Somalia ee QM oo shaaciyay in dambi dagaal laga geystay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle oo ka qayb-galay kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, halkaas oo ay todobaadkii saddexaad ay ku dagalaamayaan ciidanka Somaliland & kuwa dadka deeganka.

Abuukar Baale oo warbixin siiyay Golaha ayaa sheegay in dambi dagaal uu ka dhacay Laascaanood, isaga ooo carabka ku dhuftay in weerar aan kala sooc laheyn lagu qaaday shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo jeedinayo in lala xisaabtamo kuwa lagu eedeyanayo dhibaatadaas oo loo fasiran karo dhanka Somaliland, maadaama ay weli dagaal ka wado halkaasi.

Danjiraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,kuwaas oo dhimasho, dhaawac iyo barakac kala kulmay dagaalka weli ka socdo magaalada Laascaanood.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxa ka socda halkaasi.

Dhanka kale waxaa kale oo uu sii xoojiyay baaqii madaxweynaha ee ku aadanaa in dagaalka la joojiyo, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wadahadalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda, lana sameeyo wada xaajood. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay in la abuuro wada hadal loo dhan yahay, si loosoo celiyo xasiloonida iyo degenaanshaha,” ayuu yiri Danjiruhu.

Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray xubnaha beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmadaan dadka ay waxyeelada gaartay iyo kuwa barakacay.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad, waxayna dhimashada ay ku dhowdahay 150 qof, halka dhaawacuna uu sii cagacageynayo in ka badan 500 kale.