Wareysi: Maxaa fududeeyey weerarkii Al-Shabaab ee guriga ku yaalla Mirinaayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerarkii ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ku qaaday guri ay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho uga ijaareen ciidankii ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda gobolkaas.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hal guri la isugu geeyey ciidankaas, wuxuuna sheegay inay guriga u geeyeen ciidanka dhaawaca ah in isbitaallada aysan ku dayacmin, maadaama ay yihiin dad reer miyi ah oo magaalada uusan ehel u joogin.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed oo la weydiiyey sababta fududeysay inay Al-Shabaab weeraraan gurigaas ayaa yiri “Raggaan waxay Al-Shabaab uga soo adkaadeen furimaha dagaalka, waa rag ku guuleystay inay umadda Soomaaliyeed tusaan in Shabaab laga adkaa karo, marka Al-Shabaab sifa kasta oo ay ku aarguda kareen ayey sameeyeen, sabab kale ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Wuxuu sheegay in qofkii dhaawaca kasoo bogsada ay diyaarad saari jireen oo gobolka Hiiraan loo celi jiray, islamarkaana aad looga war-qabay caafimaadka iyo soo kabashada ciidankaas, balse ay qadar ku dhacday.

“Guriga ilaalo fiican waa lahaa, meel amaanana waa ku yiilay, laakiin weerarka qarax is miidaamin ah ayaa lagu bilaabay oo irida hore ayuu nin isku qarxiyey, kadibna sidii hoteellada loo geli jiray ayaa loo galay, waana lagu dadaalay in raggii dhaawaca ahaa laga badbaadiyo cadowga oo badankood waa la badbaadiyey,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas ay 10 qof ku dhinteen, balse Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada dadkii lagu dilay weerarkaas oo warar dib ka soo baxay ay sheegayeen in tiradu ay ka badan tahay intii ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

“Ragaas awalba waxay furimaha u tageen oo u soo dhaawacmeen inay ku shahiidaan cadowga, marka wixii naga dhintay waa Shuhado, gadaal ayaana ka soo sheegeynaa inta ay dhamaayeen, laakiin sidii cadowgu wax u rabay uma dhicin, Ilaah mahadiis,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaankaan.

Ugu dambeyntii xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in ka beel ahaan ay halganka sii wadayaan oo Shabaab in laga adkaado ay ka go’antahay, inta gabar ay ka nooshahay beeshiisa, sida uu cadeeyey.

“Reerka aan Xildhibaanka u ahay ee Xawaadle, waxaan taargad u wadanahay argagixisada, ayagana waa noo taargad, wado kale nooma fura oo dagaal ayaan isku dhaarsanay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed.

Hoos ka dhageyso