Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo digniin cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb-galay madasha caalamiga ah ee gargaarka bani’aadannimada ee Riyad, ayaa ka digay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada ay xilligaan leedahay in laga gudbo gurmadka deg-dega ah ee loo jiheysto dhinaca mashaariicda wax-ku-oolka ah, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa soo kabashada dalkeena.

“Waa in loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gar-gaarka bani’aadanimo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in Soomaaliya loo maal-geliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagixisada iyo is-beddel ka cimilada ayaan sidoo kale kaga hadlay Khudbaddeyda.”

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha oo muddooyinkii dambe waday olole wax looga bedelayo qaabka ay deeq bixiyaasha Soomaaliya u bixiyaan deeqaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan su’aal galiyay sababta ay weli Soomaaliya u wajaheyso halista abaarta, ayada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday.

“10 Sano kadib iyada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday, maxay Soomaaliya u wajaheysaa halista abaarta? Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in aan la rabin in ay isku filnaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madashan caalamiga ah ee ka qabsoomtay magaalada Riyad, uuna ka qeyb-galay ergeyga gaar ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa diirada lagu saara arrimaha gargaarka bani’aadannimada, waxaana soo qaban-qaabisay dowladda Boqortooyada Sacuudiga.