Wasiir kale oo caawa lagu dilay magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle waxaa caawa lagu dilay wasiiru-dowlihii wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Hir-Shabeelle, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas.

Koox hubeysan ayaa magaalada ku dhex toogatay Allaha u naxariistee Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ahaa wasiiru-dowle iyo xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayey waxa uu ka soo baxay masjid uu ku soo dukaday salaadii Cishaha oo ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar.

Dableydii geysatay dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana inta badan xaafadaha magaalada ka bilaawday howlgallo ay sameynayaan ciidamada booliska Hir-Shabeelle ee ka howlgala magaalada Jowhar.

Howlgalladan ayaa lagu baacsanayaa kooxdii geysatay dilka xildhibaanka, welina ma jirto cid loo soo qabtay.

17-kii bishii aan soo dhaafnay ee Agoosto, xilligan oo kale ayaa magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha Hir-shabelle Cabdiqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas.

Allaha u naxariistee Kaaraani oo dilkiisa ay ka soo wareegatay 30-cisho ayaa la toogtay xilli sidaan oo kale uu uga soo baxay salaadii Cishaha masjid ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle, welina ma jirto cid loo soo qabtay dilkiisa.