Wasiir ciidamada u la’ mushaar oo dhaqaalihii ugu badnaa bixiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Ciidamada Xoogga dalka ay yihiin kuwo aan lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen dowlada ayaa waxaa soo baxaaya in Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda C/rashiid C/llaahi Maxamed uu deeq lacageed gaarsiiyay Guddiga gurmadka Abaaraha.

Wasiirka ayaa Guddiga ku wareejiyay lacag dhan $51,000 ”Konton iyo kow kun” oo dollarka Mareykanka ah.

Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada Xoogga aysan muddo qaadan wax mushaar ah, balse ay diyaar u yihiin garab istaaga walaalahooda.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka lacagtaasi ay tahay in lagu bixiyo dadka ay abaaruhu, saameeyen, waxaana xusid mudan in qaar kamid ah Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada aysan heysan wax ay ku noolaadan maadaama aan lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen dowlada.

Deeqda Wasiirka ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagala cararay Askarta baahan, isla markaana lagula cararay dad baahan.

Talaabada uu Wasiirka ku bixiyay dhaqaalaha ayaa barbar socta dadaal hore ay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida dhaqaale intaa ka yar ku gaarsiiyen Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com