ODOWAA: Reer Hiiraan haddii aysan sharciga u hoggaansamin, waa loo hoggaamin doonaa !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu jiro iska hor imaad u dhexeeyo wasiirka arrimaha gudaha JFS Cabdiraxman Odowaa iyo odayaasha beesha Xawaadle.

Wasiir Odowaa & Madaxw
eyne Xasan Sheekh oo dhawaantan heshiis la galay Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Goodax ayaa u sheegay dhammaan odayaasha iyo guddoomiyaha gobolka hiiraan Cabdifatax Afrax in uu maamulka iyo agaasinka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe looga danbeeyo xildhibaan Goodax, isagoo markaa ku sifeeyay in Goodax oo horay uga soo shaqeeyay arrintan meel fiican aay wax u marayaan. Qofkii diido ama is hortaagana ayuu yiri, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayo oo aay ku muteysan doonaan xarig.

Arrintan ayaa cirka isku shareertay, waxaana guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifatax uu wacad ku maray in uu meel uga soo hari doono hadalka kasoo yeeray Wasiir Odowaodowaaa. Arrintan ayaa iminka leh saan saan colaadeed oo dib uga dhalata maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir Odowaa oo dhawaantan Xoghaya Joogtada ah u Magacaabay Shaqsi aay keensadeen kooxda Alla Sheekh gaar ahaan Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte, oo indho iyo dhago u ah wasiir Odowaa, ayaa hamigoodu yahay in dhaqaalana ka sameeyaan, Alla Sheekhna aay talada Sh. Dhexe & Hiiraan uu gacanta u galo.

Wararka ayaa intaa waxa aay ku darayaan in Odowaa oo hadda ku biiray ururka Alla Sheekh aay u durbaan tumanayo in aay hoggaanka labada gole uu ku guuleysto musharaxa kooxda Alla Sheekh. Kaasoo aanu xogta aan heleyno uu yahay Wasiirkii hore ee waxbarashada Dr. Cabdinuur Sh. Maxamed. Koox diimeedka Alla Sheekh ayaa aad uga feejigan in markale aay ku hungoobaan in musharaxooda looga guuleysto maamulka cusub ee Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Weli lama oga waxaa aay cuqaasha iyo wax garadka beesha xawaadle aay ka sameyn doonaan arrinkan. Qaar kamid ah odayaasha iyo xildhibaanada oo aay la xiriirtay Caasimada Online ayaa u sheegay in aanay marnaba ka yeeli doonin “Cunug Cadaado laga keenay shalay in uu ka arrimiyo arrimaha Hiiraan”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com