Amiin Caamir oo ku soo biiray bahda WARARKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad lagu soo bandhigay websiteka cusub ee farshaxanka Amin Amir ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda oo uu ka hadlay tifatiraha Websiteka wararka ee Amin Amin Maxamed Xuseen Qalinle ayaa sheegay in aay tani guul u tahay dhammaan saxaafadda madaxa bannaan ee ka howl gasha Soomaaliya.

Amin Amir oo looga bartay farshaxan inta badan ka hadlo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya iyo wacyi gelinta bulshada, ayaa iminka ku soo biiriyay dhanka soo tebinta wararka. Qalinle ayaa sheegay in websitekan aay ka howl galayaan toban weriye oo ku kala baahsan dunida dacaladeeda, iyadoo aan rajeyneyno buu yiri in aay intaa ka sii bataan bilaha soo socda.

Xaflada oo aay goob joogayaal ka ahaayeen masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay, wasiirkii hore wasaarada warfaafinta Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, iyo xildhibaano ka tirsan BFS.

Halkan ka gal websiteka cusub ee AMIN AMIR http://www.aminartsnews.com

twitter

xaflad xaflad1 xaflad2