Wasiir Roobow oo shacabka u ballan-qaaday Soomaaliya oo laba arrin ka maran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Norway oo uu hogaaminayay Safiirka Norway ee Soomaaliya Danjire Haakon Svane, ayaa ballan-qaaday Soomaaliya oo laba arrin ka banaan.

Waxaa safiirka ku wehlinayay kulankaan Ergeyga gaarka ah dowladda Norway uqaabilsan Arrimaha Soomaliya Heidi Johansen iyo Mr. Ole Lindeman, Safiirkii hore dowladda Norway ee dalka Afghanistan.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo sare uqaadida iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka kooxaha argigixisada ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa wafdigaan uga warbixiyay sida ay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ugu howlan tahay tiir kamid ah tiirarka ugu muhiimsan xukuumadda ee la xiriira dabargoynta kooxaha Khawaarijta.

“Wasaaraddan waxay u taagan tahay ilaalinta qiyamka Islaamiga, kaasi oo na-faraya ciribtirka afkaaraha khawaarijtu kaga been sheegaan Diinteena Xaniifka ah, kuna baneeysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan rabnaa in aan gaarsiino shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliya oo nabad ah, ka maran cagajugleyn iyo cabsigelinta Argigixisada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay wafdigan uu horkacayo Safiirka Norway qorshaha wasaaradiisa ee la-dagaalanka Al-Shabaab, wuxuuna yiri “Anagoo raaceyna jiheynta Madaxda Qaranka Wasaaraddu waxay dhamaan goboloda dalka ka howl-gelinaysaa Ducaad dadka ubayaanisa Diinteena Xaniifka ah, kuna hagta dhabaha toosan ee ay jidaysay Diinteena Islaamka”.

“Hadafkeenu waa in dalkan laga ciribtiro argigixisada feker ahaan iyo ciidan ahaanba, waana sababta ay xukuumaddu uqaaday howl-galo isku-dubaridan oo cadowga dhankasta loogu naafeynayo”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in aan badbaadino dhaliyarada lagu marin habaabiyay afkaaraha qaldan ee ku dhisan dilka, isdilka iyo kaligii muslinimada, kuna hagno Nabada, walaaltinimada iyo is-jeceylka Islaamka, si ay uga soo laabtaan kooxaha Khawaarijta”.

Safiirka iyo wafdigiisa ayaa wasiirka uga mahad-celiyey qaabilaadiisa, iyaga oo ku amaanay howlaha uqabsoomay wasaaradda intii uu joogay gaar ahaan qabashada shirweynihii Culimada Soomaaliyeed 24-29 Okotobar ee sanadkan.

Waxay sheegeen in dowladda Norway ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayna dadaal weyna ka geysanayso howlaha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada ay wado wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ee ku aadan ciribtirka fekerka Xagjirka ah.