27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Wasiir shaaciyay inuu socdo qorsho lagu afgambinayo dowlada Qadar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhiga Qadar Khalid Al-Attiyah oo wareysi siiyey SkyNews ayaa sheegay in dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay wadaan qorsho lagu afganbinayo dowlada Qadar.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in dowlada Sacuudiga ay dadaal dheer ugu jirto sida loo heli lahaa maamul ka duwan ka iminka ka jira Qadar, waxa uuna hoosta ka xariiqay in sidaa oo kale ay horay u fashiliyeen afganbi.

Wasiir Khalid Al-Attiyah, waxa uu carab dhabay in laba jeer oo hore sidan oo kale la isku dayay afgembi balse lagu guuleysan waayey, iminkana la doonaayo in mar Seddexaad lagu tijaabiyo Afgambi.

Wuxuu tilmaamay in Qadar aysan ahayn wadan si fudud lagu Afgambinkaro ayna is difaaci doonaan.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa u dhacaayay ”Qadar waxay dooneysaa in la qaboojiyo xiisada oo aan la gaarsiin ilaa iyo heer la go’aansado faragelin militari”

”Weynu la socnaa sida uu yahay dadaalka ay isla wadaan xulafada Sacuudiga, waxaanse cadeynayaa in Qadar aysan aheyn dal si sahlan lagu afganbinkaro”

”Qadar horay ayay isku difaacday haddana waxa ay diyaar u tahay inay iska difaacdo wixii ay u aragto cadow”

Sidoo kale, Wasiir Khalid Al-Attiyah, ayaa dunida ugu baaqay inay isha ku hayaan dhaqanada ay wado dowlada Sacuudiga.

Geesta kale, Khalid Al-Attiyah ma uusan sheegin in Xogta afgambiga ay ku heleen si hoose ama ay tahay mid saadaalin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News