Wasiir shaaciyey cidda ka dambeysay in 6 bil ka hor la magacaabo gudiga qaban qaabada maalmaha xoriyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga aban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ka hadlay sababta keentay iyo cidda ka dambeysay in lix bil ka hor la magacaabo guddigan.

Maareeye ayaa sheegay in sababta guddigan loo magacaabay xill hore ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro, lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed,Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu sidoo kale ku aaddan yahay, ayadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano;

“Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo”.

Maareeye ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan farxadda wayn ee lixdan guurada maalmaha xoriyadda iyo xuska labaatan guurada dib u dhisidda dawladnimada maanta jirta.