Baydhaba: Dab ay Aabe iyo labadiisii wiil ku dhinteen

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaare nafeed geystay oo xalay ka kacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday guri ay daganaayeen qoys ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo wiil oo ay dhaleen.

Wararka ayaa sheegaya in la awoodi waayey in la damiyo dabkaasi, waxaana ku dhintay Aabaha qoyska oo lagu magacaabi jiray, Sheekh Cumar iyo labadiisii wiil oo da’adooda lagu kala sheegay 8 sano jir iyo 10 sano jir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay dabka ka badbaaday hooyada qoyskaasi oo Xaamilo ah, taas oo uu dhaawac soo gaaray, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dabka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid, kadib markii uu qabsaday Shidaal yaalay guriga gubtay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta looga hortagi waayey faafista dabkaasi ayaa ah, kadib markii la waayey gaadiidkii gurmadka deg dega ee dab-damiska.

Dhacdadaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa qoyska ku gubtay dabkaasi.