Xaaf oo ka feejigan ‘weerar kaga yimaada’ R/W Khayre iyo ciidan kusoo wajahan

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka feejigan yahay weerar kaga yimaada Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, ka dib markii uu mucaaraday joogitaankiisa Magaalada Dhuusamareeb iyo dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa ka bilaabay kulamo uu ku dardar-gelinayo barnaamijkiisa uu ku sheegay inuu ku soo dhisayo Galmudug loo dhan yahay.

Xuhno ku dhow Xaaf ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka war helay ciidan la sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ka soo diray Magaalada Dhuusamareeb, si ay u soo xiraan, iyadoona uu ciidan uruursi ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa Isniintii Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee magaaladaasi ku sugan, waxaana uu ka dalbaday in la difaaco, haddii weerar uu kaga yimaado Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo ka abaabulay maleeshiyaad ku heyb ah, kuwaa oo uu u diyaariyay inay u jilbo laabtaan, haddii hujuumka la tuhunsan yahay uu soo wajaho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidan xoogan lagu arkaayo wadooyinka soo gala dhismaha uu Madaxweynuhu ka degan yahay Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Nabadoon Cabdi Wardheere oo ka mid ahaa Odayaal Dhaqameedyo Magaalada Gaalkacyo kaga qaybgalay kulan lagu taageeraayay mowqifka uu Madaxweynuhu kaga soo horjeestay kaalinta dowladda ee ku aadan dhismaha Galmudug ayaa sheegay in reer Mudugu uu difaaci doono, weerar kasta oo xukuumadda kaga yimaada.

Nabadoon Cabdi Wardheere ayaa tilmaamay in dadka reer Mudug ay ka maqan yihiin doorashada ka socota Magaalada Dhuusamareeb, Xaaf-na uu doonayo in la dhiso Galmudug ay dadkeeda u dhan yihiin.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumadda ay door-bidi doonto inay ka shaqayso, sidii ay u fashilin laheyd dhaqdhaqaaqa uu Xaaf ka wado Magaalada Gaalkacyo, bedelkii weerar toos ah lagu qaadi lahaa.

Reer Galmudug ayaa kuu sheegaya in diidmada Xaaf ee waxa ka socda Dhuusamareeb ay xoojisay khilaafka markii horeba wiiqay habsami socodka dhismaha Galmudug.