Muqdisho (Caasimada Online) – Xili dhawaan Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab amaro kasoo saaray amni darida kusii baaheysa deegaanada maamulka, ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in awaamirta Wasiirka aan looga dhaqmin deegaanada maamulka.
Wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo goordhow Saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in talaabo cad uu ka qaadi doono dhammaan Saraakiisha amaanka maamulka Puntland, waxa uuna ka digay in amarada kasoo baxa Xafiiskiisa laga dhigo kuwo ku eg xafiiska oo aan wax laga qaban.
Waxa uu sheegay in dhamaan Saraakiisha laamaha amaanka maamulka uu ku dhaliilaayo inaysan u hogaansaneyn fulinta amarada uu kasoo saarayo amni darrida.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab waxa uu warbaahinta ka sheegay in mas’uuliyiinta jagooyinka ka haya laamaha ammaanka ee fulin waayey amaro dhowr ah oo horay loo faray islamarkaasina xafiisyadooda la geeyay waraaqihii ay ku fulin lahaayeen ay la kulmi doonaan cawaaqib lidi ku ah shaqooyinkooda.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab, waxa uu sheegay inaan waxba laga qaban amarada uu soo saaro, waxa uuna tilmaamay inaan wax laga qaban amar uu dhawaan ku mamnuucay dadka wax wareejiya iyo Oromada Gaari-gacanka alaabaha ku wareejiya ee xaafadaha magaalooyinka Puntland had iyo jeer lagu arko, waxaana uu sheegay in amarkaas aan waxba laga qaban oo aan la fulin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

